![]() |
Moringa |
Waxan halkaan ku sharxi doonaa faaiidoyinka cajiibka ah ee laga helo geedka loo yaqaano moringaha waxaan ka sheegi doonaa ilaa sagaal faaiido
1.waxaa laga helaa moringa dhamaan macdanada kala duwan iyo vitaminada sida iron,calcium, vitaminC, vitaminB6, potassium, vitaminA, vitaminE ,magnesium.
2. Moringaha awaxa uu ka qeyb qaataa ladagaalanka [free radicals] free radicalska waa maadooyin dhaawaca jirkeena taas oo hadii uu weeraro maqaarku yeelanayo duu duub ama calaamada gabowga oo kle.
3. Faaiidada sadaxaad moringaha waxa uu yareeyaa in uu qofka kadareemo jirka xanuun iyo koleyn ama hor waxad u taqaanaba sababoo ah wuxuu yareeyaa dheecaanada loo yaqaano inflammotry enzymes kaas oo keena xanuunada iyo hurka.
4. Moringaha waxa uu muhiim u yahay dadka qaba sonkorta wuxuu yareeyaa heerka sokorta ee dhiigeena iyo cadaadiska ay lakulanto dheecaanka qaabilsan xareenta sonkorta ee loo yaqaano insulin si shaqadiisa uu uguto oo uu ugu xareeyo sonkorta unugyada kala duwan ee jirkeena.
5. Waxa uu aad muhiim ugu yahay shaqada dheefshiidka maadaama uu ka qeyb qaato joojinta koriinshaha jeermiska noocyadeeda kala duwan sida bacteriyada iyo waxii lamidka ah ku waas oo carqaladeynayo habsami u shaqeynta dheefshiidka
6. Caleentaan waxa ay aad muhiim ugu tahay sara u qaadidda dheecaanka ragga sara uqaadista dheecaan waxay ka caawineysaa sara u qaadista awooda raganimada waa sida quburada cilmi baarista sheegeen.
7. Caleenata moringa waxa wuu ka caawiyaa haweenka dhalma gooya ee gaara da'da 45 iyo wixii kabadan calaamada ay dareemaan marka ay hormonada isbadalayaan sida dhidid badan sida xiliga hbnki iyo hur ay ka dareemaan qeebta hoose ee xubinta taranka haweenka.
8. Moringahaa waxa uu caawiyaa shaqada beerka maadaada uu beerku jirkeena kasaaro wasaqda iyo sunta waxa uu sare u qaadaa shaqada beerka arinkaasna waxa ay hoos u dhigeysaa qatarta beerka.
9. Caleenta waxa ay aad muhiim u tahay caafimadka wadnaha madaama ay ku jirto maadoyin kala duwan ee caawinaayi ilaalinaayo caafimaadka wadna sida ka hortaga sameysanka duwanka xun sidoo kalne dadka dhiikarka qabo waa uu u fiicanyahy madaama uu hoos u dhigo cadaadiska dhiiga waayo waxa uu ka hortagaa in dufan farabadan oo xun uu xididada dhiiga ku sameysmo sidaasne uu ku xirmo ayuu ka ilaalinayaa.
DADKAAN HADII AAD KA MID TAHAY MA ISTICMAALI KARTID
Hadii aad tahay hooyo uur leh ha isticmaalin waxaa macquul ah in dhibaato uu kuu keeno amaba dilan uu kugu rido
Hadii aan nuujineysane ha isticmaalin
Sidokle hadii aad qaadaneyso daawoyinka macaanka ama sonkorta , kuwa dhiigarka iyo ku qanjirka loo yaqaano thyroidka waxaa waxaadsan inaad latashato dhaqtarkaaga.
Sidokle ilmaha yar yarna yaan la siinin inta kale ee kasoo hara dadkaan wey isticmaali karaan .
SIDEE LOO ISTICMAALAA MARKA.
1-2 qaando oo qaandada teaspoon loo yaqaano ayaad ku darsankartaa biyaha caadiga ah ,ama biyaha tufaaxa, ama biha orangaha waxaana wanaagsan in aroorti aad cabtid hal galaas oo cabitaankaas ah.
WAD KU MAHDSANTAHY AQRISKAAGA QURUXDA BADAN.
0 Comments